Madaxweynaha la doortay iyo Madaxweynaha xilka ka sii degayo ee Maraykanka oo maanta Kulankooda Koowaad yeelan doono.
Madaxweynaha xilka ka sii degayo ee Maraykanka, Barack Obama ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, wuxuuna ku casuumay Kulan maanta ka dhici doonto Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaasi.
Hadal-qoraal oo uu soo saaray Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad ayaa lagu sheegay inay Labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan Xil-wareejinta Talada dalkaasi.
Donald Trump ayaa la filayaa inuu si rasmi ahaan Xilka Madaxweynaha dalkaasi ula wareegi doono bisha Janaayo 20-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
Dhinaca kale, Dibdbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Trump ayaa waxay ka socdan magaallooyinka waa weyn ee dalka Maraykanka oo ay ka mid yihiin New York, Chicago, Oakland, Seattle, Philadelphia, Boston, Portland, Oregon, San Francisco, Los Angeles, Austin iyo Oakland.
©Radio Dalsan