Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax, ayaa sharci daro ku Tilmaamay in Dadka Soomaaliyeed lagu Amaro Qaadashada Kaarka Dhalashada ee Dowladda Hoose ay bixiso, waxaana uu sheegay in nidaamka loo maray ay tahay mid aan sax aheyn.
Sidoo kale Hanti-Dhowraha ayaa sheegay in xiligii uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu ahaa General Mungaab uu kala hadlay joojin kaararka Aqoonsiga uuna maamulkii xiligaa jiray uu ka aqbalay.