Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in howlgal gaar ah oo ay Xalay halkasi ka fuliyen ciidamada Dowlada,kuwa Jubbaland iyo ciidamo Mareykanka ah in lagu dilay madaxii ka dambeeyay weerarkii Jaamacada Garissa Maxamed Kuno oo loo yaqaanay Dulyaden.
Howlgalka lagu dilay dulyaden waxa ka qeybgalay ciidamada ajaanib ah oo watay laba diyaarad oo ah nooca Helicopterka ah sida wararka qaar ay sheegayan.
Maamulka Jubbaland waxa ay sheegten iney dilen islamarkaana ay hayan meydkiisa Madaxii ka dambeeyay Weerarkii Jaamacada Garissa 2 April 2015kii,halkasi oo lagu dilay ku dhawaad 150 ruux.