Muwaadin Somali-British ka soo jeeda Puntland ayaa la shaaciyey inuu dardar gelinayo Hawlgalladda ay Daacish ka fulin doonaan Somalia, gaar ahaan Goballadda hoos taga Maamulka Puntland.
Sheekh C/qaadir Muumin oo ah Somali-British madax u ah Kooxda Somalia ee ku sugan Somalia ayaa ku hawlan sidii uu Maleeshiyo badan uga qoran lahaa Puntland, isagoo sheegay inuu Maleeshiyadda ku soo biirta Daacish mushaar ahaan u siin doono ilaa 400 Dollar bishiiba.
Taliyaha Ciiddanka Puntland, Jeneral Saciid Maxamed Xersi ayaa ka digay haddii aan Maamulkiisa laga taageerin La-dagaalanka Kooxaha uu ugu yeeray Argagixisadda inay ku sii faafi doonaan Dalalka kale ee Caalamka.
Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray inay Taliyayaasha Soomaalida inay ku sii kordhayso walaaca ay ka qaadaan Sheekh C/qaadir Muumin wara sheegayo inuu Hoggaamiyahaasi xiriir la leeyahay qaar ka mid ah Qurba-joogta Soomaalida, kadib, markii uu sheegay inuu ka soo goostay Alshabaab, kuna biiray Daacish.
Telefishinka Sky News ee Britain ayaa baahiyey inay Ciiddanka Puntland la wareegeen Gurigii uu Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia, Sh. C/qaadir Muumin oo ku yaallay Buuraha Galgala.
Weriye ka tirsan Sky News TV oo lagu magacaabo Alex Crawford oo tegtay Buuraha Galgala ayaa sheegay inay Ciiddanka Puntland la wareegeen Hoyga Hoggaamiyahaasi, isla markaana la soo qabtay Maleeshiyo u daacad ahayd, kuwaasi oo da’doodu u dhexeysasy 10 jir ilaa 15-jir.
Mid ka mid ah Maxaabiistaasi oo lagu hayo Xabsi ku yaalla caasimadda Maamul-gobaleedka Puntland ee Garowe ayaa u sheegay Sky News TV in geed lagu xiray, lana garaacay, markii uu isku dayey inuu ka baxsado Kooxda Daacish.
Wiil kale oo ka mid ah ciyaalka la soo qabtay ayaa sheegay inuusan aqoonin Kooxda uu ka tirsan yahay, balse la soo tashkiiliyey.
Sidoo kale, Weriyaha Telefishinka Sky News waxay la kulantay Haween deganaa Buuraha Galgala, kuwaasi oo sheegay inay Maleeshiyadda Daacish si joogto ah u garaaci jireen uguna xadgudbi jireen.
Mid ka mid ah Haweenka u waramay Sky News TV ayaa sheegtay inay Maleeshiyadda isku tuurtuuraan Haweenka, iyagoo Jaydal la dhacayo.
Links:Â al qaeda spreads – Puntland (Somalia) – Sky News – 29th april 2016
Xigasho:Sky News Tv.
©Radio Dalsan