Dabaal-deg sannadeedka Hilibka Eeyda “The annual dog meat festival†ayaa lagu soo bandhigay Gobalka Guagxi Zhuang ee Koonfurta Shiinaha, iyadoo 10,000 oo eeg iyo bisado lagu gawracay maalmo gudaheeda.
Kooxaha u dooda Xuquuqda Xayawaanaadka ayaa sheegay in wax laga xumaado gawraca xayawaanaadkaasi.
Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in ku-dhawaad 300 eey iyo bisado maalin kasta lagu gawraco magaalladda Yulin, iyadoo inta badan xayawaanaadkaasi la qalo yihiin kuwo la soo xaday.
Kooxda u dooda Xuquuqda Xayawaanaadka ee Humane Society International (HSI) ayaa u socdaalay Yulin, oo lagu qabanayey Dabaaldegga Hilibka Lo’da “The dog meat Festivalâ€.
Dr. Peter Li oo ka tirsan Hay’adda HIS ayaa sheegay inuu soo booqday 3 Kawaan oo lagu qalo Eeyda iyo Bisadaha, kuwaasi oo maalin kasta lagu qalo ku-dhawaad 300 oo neef oo Eey iyo Bisado ah.
Inta uu ku jiray booqasho uu isbuucii hore ku tegay magaalladda Yulin waxa uu soo arkay in Hilibka Eeyda si weyn looga isticmaalo Baararka ku yaalla magaalladaasi.
Mid ka mid ah Milkiilayaasha Baararka ayaa u sheegay Hay’adda HIS marka uu u baahdo Eey inuu si fudud ugu yeerayo Ganacsade si dhaqso leh ugu keenayo Eey.
Eey lagu qiyaasay 10 ilaa 20 million oo Eey ayaa la sheegay inay dalka Shiinaha sannadkiiba hilib ahaan looga cuno.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay isticmaalka hilibka Eeyda oo la xaqiijiyey in laga qaado Daacuun-caloolaha iyo cuddurka Raabiyadda.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaskar
©Radio Dalsan