Madaxdaasi oo shalay Kulan Khaas ah ku yeeshay caasimadda dalka Jabuuti waxay isku raaceen War-murtiyeed ka kooban 20-qoddob iyo in si dhamaystiran Ciiddamo ka tirsan AMISOM loogu daad-gureeyo qeybaha ay ka socdaan Hawlgalladda, gaar ahaan Gobalka Gedo.
War-murtiyeedka waxaa kaloo taageero loogu muujiyey Taliyaha Ciiddanka AMISOM iyo in Isla-xisaabtam dhab ah ka dhex jiro Ciiddanka AMISOM iyo Qalabkooda iyadoo hawshaasi looga dambeynayo Hoggaanka Guud ee Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM.
War-murtiyeedka waxaa kaloo lagu xusay baahida loo qabo Isku-xirka wanaagsan ee Hawlgalladda iyo Loojistikadda iyo Iskaashiga AMISOM kala dhexeeya Ciiddanka Ammaanka Qaranka Somalia (Somali National Security Forces (SNSF) iyo Xafiiska QMÂ ee Somalia ee UNSOS.
Dhinaca kale, Shirka Madaxda Dowladaha ay ciiddanka ka joogaan Somalia ee ka qeyb galay Shirkii Jabuuti ayaa waxay kala ahaayeen Madaxweynayaasha Jabuuti, Kenya, Somalia, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Wasiiru-dowlaha Difaaca ee Uganda, Jeje Odong.
Waxaa kaloo Kulankaasi ka qeyb galay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Nigeria, Maanor Maxamed Daan Cali.
©Radio Dalsan