Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu abuuray jahawareer iyo faafin xog khaldan oo aan sax ahayn.
Waxaa aad loo faafinayaa oo shacabka Soomaaliyeed walaaciyey in Soomaaliya shidaalkeeda “bixisay” ama in Turkigu “qaadanayo 90% dakhliga shidaalka.” Laakiin marka si dhab ah loo akhriyo heshiiska la saxiixay, xaqiiqadu aad ayey uga duwan tahay waxa la faafiyey.
Maqaalkan waxaan ku sharxayaa waxa heshiiska dhab ahaan ku qoran, aniga oo kala saaraya beenta la faafinayo iyo xaqiiqada qodobbada heshiiska.
➡️ Shidaalka Soomaaliya waxaa leh Soomaaliya — Tan waa qodobka ugu muhiimsan
Heshiisku si cad ayuu u qeexayaa in shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya ay yihiin hanti qaran oo ay leeyahay shacabka Soomaaliyeed. Heshiiskani wax isbedel ah kuma keenayo lahaanshaha kheyraadka dalka.
Turkiga ama shirkad kale lama siinin xuquuq lahaansho shidaal. Turkiga waxa uu kaliya yahay shirkadda fulinaysa hawsha sahminta iyo soo saarista, balse ma laha wax xuquuq ah oo ku saabsan hantida shidaalka. Lahaanshuhu wuxuu weli si buuxda ugu jiraa gacanta Soomaaliya.
➡️ Muxuu dhab ahaan ka dhigan yahay qodobka 90%?
Wararka la faafiyey, gaar ahaan kuwa ay baahisay warbaahinta Nordic Monitor, oo ay leeyihiin suxufiyiin Turkish oo mucaarad ah, waxay si khaldan u fasireen qodobka 90%, iyagoo ku andacoonaya in Turkigu qaadanayo 90% dakhliga shidaalka Soomaaliya.
Xaqiiqadu waa tan: heshiisku wuxuu oggolaanayaa in shirkadda Turkiga ee Turkish Petroleum (TPAO) ay dib uga soo ceshato kharashaadka ay gelisay sahminta, qodista, qalabaynta iyo hawlgalka, iyadoo loo oggolaanayo inay ka qaadato ugu badnaan 90% soo-saarka sanadlaha ah ee shidaalka iyo gaaska.
Marka kharashaadkaas bixintiisa la dhameeyo, waxa haray ee la soo saaro waxaa loo yaqaan “faa’iidada shidaalka” (Profit Petroleum), taas oo si wadaag ah ay u qeybsanayaan Soomaaliya iyo shirkadda hawlgalka.
Waxaa intaa dheer, Soomaaliya waxa ay heli doontaa illaa 5% royalty (gunno) laga bilaabo maalinta ugu horreysa ee soo-saarka — xitaa inta lagu jiro wajiga kharash-soo-celinta.
Sidaas darteed, Soomaaliya waxa ay bilaabaysaa inay faa’iido ka hesho heshiiska iyadoo aan wax khatar dhaqaale ah la saarin oo la xiriirta sahminta iyo qodista.
Waxaa kale oo muhiim ah; heshiiskan wuxuu jiri doonaa kaliya muddo shan (5) sano ah, waxaana si toos ah ugu kordhaya muddo saddex (3) sano ah oo isdaba joog ah markiiba, ilaa mid ka mid ah dhinacyadu si qoraal ah ugu wargeliyo dhinaca kale, iyada oo loo marayo waddooyin diblomaasiyadeed, ugu yaraan lix (6) bilood ka hor inta uusan heshiisku dhammaanin.
Tani macnaheedu waxa uu yahay; in, xitaa haddii heshiisku noqdo mid aan wanaagsaneyn – sida ay sheegayaan kuwa dhaliilaya – ay Soomaaliya fursad u leedahay inay shan sano kadib ka baxdo heshiiska ama ay gorgortan cusub geli karto.
➡️ Sababta Soomaaliya u dooratay qaab-dhismeedkan kharash-soo-celinta
Sahminta iyo qodista shidaalka, gaar ahaan badda hoosteeda, waa hawl aad u qaali ah oo khatarteedu sareyso. Qodista keliya ee hal ceel oo badda ah (offshore) waxay mararka qaarkood ku kacdaa in ka badan $100 milyan.
Soomaaliya, sida dalal badan oo horumaraya (tusaale Uganda, Mozambique, iyo Ghana), ma lahan awood dhaqaale, farsamo, iyo qalab ay ku fuliso mashruuc sidan u weyn oo sahmin ah.
Qaab-dhismeedka kharash-soo-celinta wuxuu suurtagal ka dhigayaa in dalka uu helo maalgelin caalami ah, isagoo aan wax khatar ah galin, balse weli sii haysta lahaanshaha kheyraadkiisa.
Haddii Soomaaliya isku daydo inay kaligeed fuliso mashruuc sidan u weyn, waxaa laga yaabaa in kheyraadkaasi sanado badan hoos u jiifo oo aan wax faa’iido ah laga helin.
➡️ Been-abuurka la faafinayo iyo xaqiiqada dhabta ah
Waxaa la faafiyey warar si khaldan loo turjumay oo lagu jahawareerinayo bulshada. Aan si cad u kala saarno:
“Turkiga ayaa qaadanaya 90% dakhliga shidaalka Soomaaliya” — Waa been.
✅ Qodobka 90% waxa uu khuseeyaa oo keliya kharash-soo-celinta, ma aha lahaanshaha shidaalka ama faa’iidada kama dambaysta ah.
✅ Marka kharashaadka la bixiyo, waxa haray waxaa si wadaag ah u qeybsanaya Soomaaliya iyo shirkadda howlgalka sameysay.
“Soomaaliya waxay siisay Turkiga xuquuqda shidaalka” — Waa been.
✅ Heshiisku si cad ayuu u caddeynayaa in shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ay weligood yihiin hanti Soomaaliyeed.
✅ Turkiga waa hawl-wadeenka (operator) oo kaliya, mana laha xuquuq hantiyeed.
“Soomaaliya waxay heshay oo keliya 10%” — Waa been.
✅ 10% waxa loola jeedaa inta harta ee soo-saarka marka 90% loo isticmaalo kharash-soo-celinta, balse taasi ma aha saamiga faa’iidada kama dambaysta ah.
✅ Soomaaliya waxay helaysaa royalty (gunno) laga bilaabo maalinta koowaad, iyo faa’iido wadaag marka kharash soo celinta la dhameeyo.
➡️ Maxay Soomaaliya ka heshay heshiiskan?
Heshiiskani waxa uu Soomaaliya siiyey:
✅ Royalty (gunno) oo laga helo soo-saarka shidalka laga bilaabo maalinta koowaad.
✅ Wax khatar dhaqaale ah oo sahminta ku saabsan ma saarna dowladda Soomaaliya.
✅ Lahaanshaha shidaalka oo si buuxda ugu jirta gacanta Soomaaliya.
✅ Fursad lagu dhisayo aqoon, farsamo iyo shaqo-abuur gudaha dalka.
Heshiiskan ma aha bixinta kheyraad — waa xeelad istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo kheyraadka dalka iyadoo laga fogaanayo qataraha dhaqaale ee sahminta.
✅ Gunaanad: Soomaaliya waxay gashay heshiis xeeladaysan
Heshiiska shidaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga ma aha dhaca kheyraadka dalka, mana aha heshiis lagu lumiyey shidaalka. Waa qorshe si xeeladaysan loo dejiyey si loo horumariyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo:
• Lahaanshuhu uu weli gacanta ugu jiro shacabka Soomaaliyeed,
• Faa’iido la helayo xilli hore,
• Khataraha la iska ilaalinayo,
• Isla markaana loo gogol xaarayo mustaqbal madax-bannaani dhaqaale iyo horumar farsamo.
Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad cusub oo ay si xikmad leh ugu maaraynayso kheyraadkeeda — si uu uga faa’iido shacabkeeda maanta iyo berriba.