Muqdisho – Abriil 16, 2025 – Dowladda Maraykanka ayaa qorsheynaysa in ay xidho ugu yaraan 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay daafaha dunida, sida lagu sheegay warbixin sir ah oo ay heshay CNN, taasoo laga diyaariyay gudaha Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa hogaaminaysa qorshahan, iyadoo gacan ka helaysa waax cusub oo lagu magacaabo “Kor-u-qaadista Waxtarka Adeegyada Dowladda” oo uu hoggaaminayo Elon Musk.
Qorshahan ayaa tilmaamaya in si buuxda loo xidho 10 safaaradood iyo 17 qunsuliyadood, halka qaar kalena la dhimi doono shaqadooda, iyadoo laga dhigi doono xafiisyo yar yar oo u shaqeeya si kooban.
Inkasta oo taariikh rasmi ah aan la shaacin, warbixinta CNN ayaa muujinaysa in talaabooyinkan la qaadi doono inta lagu guda jiro sanadka 2025, iyadoo qayb ka ah miisaaniyadda cusub ee la dhimayo.
Safaaradaha la xidhi doono waxay ku kala yaallaan Yurub, Afrika, Aasiya iyo Kariibiyaanka, waxaana ka mid ah kuwa ku yaalla Malta, Luxembourg, Lesotho, Jamhuuriyadda Kongo, Koonfurta Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. Waxaa sidoo kale hoos loo dhigi doonaa awoodda safaaradaha Maraykanka ee Soomaaliya iyo Ciraaq.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ku dhimayo kharashaadka dowladda federaalka, gaar ahaan waaxda arrimaha dibadda. Qorshahan waxaa loogu magac daray “isku-filnaansho maaliyadeed iyo adeeg wax ku ool ah,” iyadoo lagu doonayo in dib loo habeeyo doorka Maraykanka ee diblumaasiyadda caalamka.
Qorshahan ayaa ku bilaabmay la-xidhitaanka hay’adaha kale sida USAID iyo VOA, kuwaasoo horey u ahaa tiir-dhexaadyo muhiim u ahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka. Waxaa sidoo kale socda hoos-u-dhig ballaaran oo lagu sameynayo miisaaniyadihii lagu taageeri jiray hawlgalada diblumaasiyadeed iyo saameynta dadweynaha.
Soomaaliya, oo ka mid ah meelaha uu Maraykanku saldhigyo ciidan iyo hawlgallo sirdoon ku leeyahay, ayaa si gaar ah uga welwelsan qorshahan. Warbixintu waxay muujisay in saraakiil sare oo ka tirsan Aqalka Cad ay soo jeediyeen in la xidho safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, iyagoo sheegay in Soomaaliya aysan ahayn waddan uu Maraykanku dan weyn ka leeyahay.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump ayaa dib uga laabtay taladaasi, isagoo sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono taageerada uu Soomaaliya ka siiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabooyin siyaasadeed qaaday si ay u ilaaliso xiriirka diblumaasiyadeed, waxaana ay Maraykanka siisay oggolaansho uu kula wareegi karo maamulida qaar ka mid ah dekedaha waaweyn ee dalka.
Qorshahan dhimista ah wuxuu daba socdaa siyaasad mug leh oo uu maamulka Trump kula dagaallamayo kharashaadka “aan natiijada la hayn,” sida lagu sheegay warbixinada rasmiga ah. USAID oo la xidhay dhawaan waxay ahayd hay’addii ugu weynayd ee mucaawimada horumarineed bixisa, halka VOA oo ahayd codka Maraykanka ee caalamka loo waday, si buuxda loo joojiyay maalgelinteedii.
Isbedeladan ayaa keenaya su’aalo ku saabsan sida Maraykanku u doonayo inuu mustaqbalka ula falgalo caalamka, gaar ahaan meelaha colaadaha ka jiraan sida Soomaaliya oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan la-dagaalanka Al-Shabaab.