Ruun-Nirgood, Sh/Dhexe – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya ciidamada deegaanka ee Macawisleyda, ayaa saaka aroortii hore bilaabay howlgal ballaaran oo amni xaqiijin ah gudaha degmada Ruun-Nirgood iyo tuulooyinka hoos yimaada ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka oo si gaar ah loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday goobo muhiim ah oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkan, ciidamadu waxay burburiyeen xarumo, hoyyo iyo meelaha ay kooxdaasi u adeegsan jirtay gabaad ahaan, taasoo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sifeynayo gobolka.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu bilowday saacado hore oo waaberiga ah, laguna saleeyay xog ururin dhanka sirdoonka ah oo muujinaysay joogitaanka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab gudaha magaalada. Ciidamada ayaa si xeel dheer ah u abaabulay dhaq-dhaqaaqooda, waxayna si nabad ah ku gaareen qaybo badan oo degmada iyo tuulooyinka ku xeeran ah, iyagoo halkaas ka wada baaritaanno iyo nadiifin amni.
Intii uu socday howlgalka, ayaa la arkayay ciidamada oo gudaha xaafadaha magaalada Ruun-Nirgood ka sameynaya baaritaanno, iyadoo muuqaalada iyo sawirrada laga baahiyay ay muujinayaan saraakiil iyo ciidamo si xeel dheer u abaabulan, dadweynuhuna ay si weyn u taageerayeen dhaq-dhaqaaqa ciidamada.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab ay si degdeg ah uga firxadeen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen, waxaana haatan ciidamada ay sii wadaan daba-galka iyo raadraaca firxadka kooxda.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawisleyda ayaa sheegay in howlgalka uu weli socdo, islamarkaana la filayo in lagu gaaro goobo dheeri ah oo laga yaabo in ay ku sugan yihiin xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Waxay intaa ku dareen in warbixin dhameystiran laga bixindoona howlgalka, marka ay ciidamadu dhameystiraan wejiyada socda.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka iyo shacabka deegaanka ay ku doonayaan in lagu sugo amniga deegaannada. Waxaana wararka qaar sheegayaan in wajiyo kale oo howlgalka ah lagu sii balaarin doono gobollo daris la ah Ruun-Nirgood.