Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay isa soo dhiibeen Dhallinyaro lagu qiyaasay 1,500 oo qof, kuwaasi oo horey ugu biiray Alshabaab, isla markaana tababar Milliteri ku soo qaatay gudaha dalka Somalia.
Dhallinyaradda la sheegay inay isa soo dhiibeen, waxay badankooda ka kala yimaadeen Degmooyinka Kwale, Mombasa, Kilifi, Lamu iyo qeybo kale oo ka mid ah Kenya oo ay ku jirto Bartamaha dalkaasi.
Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Karanja Kibicho  ayaa soo bandhigay Koox ka kooban 19 qof oo 5 ka mid ah Haweeney yihiin, kuwaasi oo qeyb ka ahaa 48 Dhallinyarro horey ugu biirtay Alshabaab oo isa soo dhiibtay.
Dhallinyarada isa soo dhiibtay ayaa la sheegay in loo gudbiyey Xarun Dhaqancelin iyo in laga masaxo Maskaxooda Fikradad Xag-jirnimadda.
Dhinaca kale, Tiro ka mid ah Dhallinyaradaasi oo la hadashay Wargeyska The Standard ayaa sheegtay inay Xagjir noqdeen, kadib, marki iay dhegeysteen Khudbada Sheikh Cabuud Roogo, kaasi oo lagu dilay Mombasa bishi iAugsut 27-dii ee sannadkii 2012-kii.
©Radio Dalsan
Â