Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil bareer ah oo maanta ka dhacay Bartamaha Magaalada Garoowe, kaas oo lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu soo koobay Mustafe Munuur. Mustafe, oo ka soo jeeda degaannada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu toogtay goobta shaqadiisa, iyadoo dilka uu ka dhacay agagaarka hore ee Hoteel Taleex, oo ku yaalla magaalada.
Wiilkan ayaa ahaa dhalinyaro ka shaqeyn jiray dhaqidda gawaarida, wuxuuna saaka ku hawlanaa dhaqidda baabuur Leyla-Calaawi ah oo ku yaalla bannaanka hore ee hotelka. Sida ay goob-joogayaal sheegeen, ayaa askari la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidanka ilaalinta Hoteelka Taleex rasaas ku furay Mustafe, waxaana rasaastaasi si bareer ah loogu dilay marxuumka, iyadoo meydkiisa laga qaaday goobta.
Dilkan ayaa noqday midkii labaad ee ka dhacay Garoowe toddobaad gudihiis ah, kadib markii dhawaan lagu dilay Cabdimaalik Xuseen oo sidoo kale ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed, waxaana ilaa iyo hadda aan weli la soo qaban qofkii ka dambeeyay dilkaas.
Wiilkan Mustafe Munuur oo da’diisa lagu sheegay 18 sano jir, ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ka shaqeysa dhaqidda baabuurta magaalada Garoowe, waxaana dilkiisa uu noqday mid lala yaabay, iyadoo dadka deegaanka ay ka muujiyeen cabsi iyo shaki ku saabsan xaaladda amni ee magaalada.
Dhinaca kale, ilaa hadda faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin laamaha ammaanka ee Garoowe, waxaana la filayaa inay soo saaraan warbixin rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan iyo baaritaannada socda. Dilkaasi ayaa sii xoojiyay walaaca ku saabsan amniga magaalada Garoowe, iyadoo dadka deegaanka ay codsadeen in la helo tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabadgelyada.
Xaaladda magaalada ayaa kacsan, waxaana la sugayaa in la helo tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan arrintaas.