Moqokori Hiiraan Somalia – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu goordhow soo gaaro degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, taasoo kamid ah degmooyinkii dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab.
Madaxweynaha, oo wata gaadiid dagaal isla markaana xiranna dareeska ciidanka, ayaa goordhaw ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeeda Moqokori. Socdaalka madaxweynaha ayaa ah mid muhiim ah oo lagu dardargelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Shacabka ku nool degmada Moqokori ayaa si weyn ugu diyaar garoobaya soo dhaweynta madaxweynaha, iyagoo isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada. Waxaa la arkayaa qaban-qaabiyayaal iyo masuuliyiin kala duwan oo isku diyaarinaya munaasabadda lagu soo dhaweynayo hoggaamiyaha dalka.
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, iyo madaxda degmooyinka Moqokori iyo Maxaas ayaa hoggaaminaya diyaargarowga soo dhaweynta madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee booqda degmada Moqokori, taasoo muujineysa sida dowladda federaalku ugu heelan tahay ciribtirka Al-Shabaab iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyay.
Booqashada madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada uu hoggaaminayo ee lagu dardargelinayo howlgalka ciribtirka Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda.
Moqokori waxay kamid tahay degmooyinka muhiimka ah ee laga xoreeyay Al-Shabaab, waxaana dowladda federaalka ay dadaal ugu jirtaa xaqiijinta amniga iyo dib u dhiska deegaannada la xoreeyay.
Wararkii ugu dambeeyay ee socdaalka madaxweynaha iyo xaaladda Moqokori, kala soco radio Dalsan.