Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu bartimaameedsaday xarumo muhiim ah oo AS ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.
Howlgalkaan ayaa waxaa lagu burburiyay dhammaan goobaha la beegsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay dagaalamayaasha iyo horjoogayaasha kooxda, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tirokoob.
Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo kale oo bartimaameed ah waxay ku burburiyeen fariisimihii ugu muhiimsanaa AS oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaala xadka gobollada Sheeballaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an xoojinta dagaalka jihaadka ah ee ka dhanka ah AS inta ay joogaan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.