Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa saaka dagaal culus la galay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo weerar ku qaaday fariisimaha ciidanka ee degmada Awdheegle.
Weerarka oo billowday aroornimadii hore ayaa la sheegay inuu ku bilowday qaraxyo, kadibna ay dagaalamayaasha Al-Shabaab si toos ah u weerareen fariisimaha ciidamada dowladda. Ciidanka Qaranka oo si feejigan u sugayay ammaanka degmada ayaa dagaalka si adag uga hortagay, iyagoo iska caabiyay weerarka kooxda.
Sida ay saraakiisha ciidanka dowladda sheegeen, dagaalku waxa uu qaatay saacado badan, waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo tirada rasmiga ah aan weli la xaqiijin.
Xaaladda Awdheegle ayaa haatan degan, waxaana degmada gacanta ku haya Ciidanka Xoogga Dalka oo maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo ballaaran oo lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in dagaalamayaasha ay damacsanaayeen inay la wareegaan degmada iyo fariisimaha ciidanka, balse qorshahooda uu fashilmay kadib dagaal xooggan oo ay la galeen ciidamada Qaranka.
Howlgallo lagu baacsanayo dagaalamayaashii weerarka soo qaaday ayaa weli socda, waxaana ciidamada dowladda ay xaqiijiyeen inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si looga hortago weerarro kale oo ay maleegayaan.
Waxii warar ah ee ku soo kordha, kala soco wararkeena xiga.