Dagaalame ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.
Dagaalamahan oo magaciisa lagu sheegay Yacquub Macalin Axmed ayaa sheegay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo toddobo sano ah, isagoo kooxda uga biiray deegaanka Janaale.
Sida uu sheegay, waxa uu horay u ahaa horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak oo hoos taga degmada Awdheegle.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Awdheegle ayaa warbaahinta u soo bandhigay Yacquub, kaasoo sheegay in culeys xoogan uu kala kulmay kooxda, taasina ay keentay in uu isku soo dhiibo dowladda.
Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Awdheegle ayaa maalmahan dambe waday howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu beegsanayo goobaha ay kooxda kaga sugan tahay gobolka Shabeellaha Hoose.