Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa sheegay in dalkiisu si cad u diidayo “wax kasta oo hindise ama qorshe ah, oo ka yimaada cid kasta, kaasoo wax u dhimaya xuquuqda shacabka Falastiin ee ah inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkooda asalka ah.”
Wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dowladda Soomaaliya aysan helin wax soo jeedin ah oo la xiriira arrintan, isagoo intaas ku daray in Muqdisho ay si cad uga soo horjeeddo qorshe kasta oo ku lug leh in dhulka Soomaaliyeed loo adeegsado dib-u-dejin dad kale.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u sheegay Reuters in “aan wax wadahadal ah cidna lagala yeelan arrinta Falastiiniyiinta.”
Soomaaliya, oo muddo ka badan 17 sano dagaal kula jirtay kacdoonka kooxaha Islaamiga ah, ayaa ka duwan Somaliland oo intooda badan nabad ku jirtay tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Muqdisho sanadkii 1991. Si kastaba ha ahaatee, Somaliland lama aqoonsan dal ahaan, mana jiro waddan rasmi ah oo ictiraafay. Xukuumaddeeda ayaa horey u muujisay rajo ah in Madaxweynaha Mareykanka uu taageeri doono riyadooda aan rumoobin.
Balse, dowladda Soomaaliya waxay si buuxda u diiddan tahay sheegashada Somaliland ee ah inay tahay dal madaxbannaan, waxayna ku adkaysanaysaa in midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin kuwo aan la taaban karin.
Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka kama aysan jawaabin codsiyo ay Reuters u dirtay si ay uga hadlaan arrintan.