Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa howlgal ballaaran ka fuliyey deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, gaar ahaan meelaha hoos yimaada magaalada Xarardheere.
Howlgalkan oo si taxadar leh loo qorsheeyay ayaa ciidanku ku gaareen deegaannada Ilbir, Bohalcaalim iyo tuulooyin kale oo ka tirsan waqooyiga gobolka Mudug. Ujeeddada howlgalkan ayaa ahayd in lagu burburiyo fariisimihii ay kooxda Al-Shabaab ka sameysatay deegaannadaasi.
Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka, ciidamadu waxay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka, iyagoo burburiyay xarumo ay kooxdaasi ku lahayd halkaas. Intii uu howlgalku socday, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay saddex gaari oo la sheegay in ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaasoo lagu gubay isla goobtii lagu qabtay.
Taliyayaasha horkacayey hawlgalka ayaa tilmaamay in howlgalladu sii socon doonaan ilaa laga ciribtirayo khatar kasta oo ay kooxdaasi ku hayso shacabka iyo nabadda gobolka Mudug.
Dhanka kale, saraakiishu waxay sheegeen in aysan jirin wax khasaare ah oo ciidamada dowladda kasoo gaaray howlgalkan, balse ay wadaan xaqiijinta xogta dhabta ah ee khasaaraha.
Howlgalladan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada ay wali kaga sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoo la adkeynayo ammaanka gobolka Mudug iyo guud ahaan dalka.