Madaxtooyada Suuriya ayaa Isniintii ku dhawaaqday heshiis ay sheegtay in Isniintii shalay ay kala saxiixdeen Dowladda Suuriya iyo kooxda hubeysan ee Kurdiyiinta Suuriya ee loo soo gaabiyo SDF.
Dhinacyada ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen in SDF oo maamusha gobolka Waqooyi-bari ay ku biirto dowladda cusub, isla markaana ay ciidamadoodu la midoobaan ciidanka dowladda.
Maamulka cusub ee Suuriya ee uu hogaamiyo madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Axmed Al-Sharaca ayaa isku dayaya in uu kala diro kooxaha hubaysan oo ay maamulaan guud ahaan dalka, tan iyo markii xilka laga tuuray hogaamiyihii mudada dheer xukumayay dalkaasi ee Bashaar al-Assad bishii December ka dib in ka badan 13 sano oo dagaal sokeeye ah.
Heshiiskan cusub oo la filayo in la dhaqan galiyo dhamaadka sanadka ayaa imaanaya, kadib maalmo rabshado ay ka socdeen dhulka ay qowmiyada laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta Siiriya oo khatartii ugu cusleyd ka soo wajahday tan iyo markii la riday Asad.