Xisbiga talada haya ee Libaraalka ah ee dalka Canada ayaa shalay guddoomiye u doortay Mark Carney, oo 59 jir ah horay u soo noqday agaasimaha bankiga dhexe ee Canada.
Ninkani oo ah shakhsi aan laheyn khibrad siyaasadeed, ayaa baddali doono Ra’iisul Wasaaraha muddada dheer dalkaasi xakumayay ee Justin Trudeau.
Carney, ayaa maalmaha soo socda noqon doona Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Canada.