Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo maalmahan ku sugnaa Furimaha hore ee Shabeellada Dhexe ayaa kormeer lagu dardar-gelinayo Ciribtirka AS waxaa uu maanta ku tagay Difaacyada Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka.
Sarreeye Guuto Sahal ayaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan Fariisimaha uu maanta booqday ku bogaadiyay diyaargarowga ay ugu jiraan sidii AS uu Xidid-siibka ku socdo looga sifeyn lahaa goobaha ay ka gabbaad-sanayaan Gobolka Shabeellada Dhexe.
Kormeerka kadib Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneral Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa difaacyadooda kula Afuray Geesiyaasha Qarankeenna ee Xoogga Dalka iyo Saraakiisha hoggaaminaysa, si uu ugu dhiirra-geliyo iyadoo ay bil Ramadaan tahay AS ku hor-fadhiyaan Gobolka Shabeellaha Dhexe.