Puntland ayaa ku dhawaaqday inay si buuxda uga saartay firxadka kooxda Daacish deegaannada u dhexeeya Tasjiic iyo buuraha Xabley, kaddib howlgal amni oo ballaaran oo ay fuliyeen ciidamadeeda.
Warsaxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Taliska Ciidamada Difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay la wareegeen deegaannada Darayle, Gambara, Dhaban-Gooxle iyo Dul, oo ka tirsan aagga u dhexeeya Tasjiic iyo Xabley.
“Ciidamada ammaanka Puntland waxay si buuxda ula wareegeen deegaannadan, iyaga oo jab xooggan u geystay firxadka Daacish ee ku dhuumaalaysanaayay halkaas,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallo muddooyinkii dambe Puntland ay ku bixinaysay ciribtirka kooxaha argagixisada ee ku sugan buuraleyda gobolka. Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalka lagu beegsaday kooxaha firxadka ah ay gacan ka gaysteen diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah, taasoo gacan ka geysatay guusha howlgalka.
Puntland ayaa horay u iclaamisay dagaal ka dhan ah Daacish iyo kooxaha kale ee argagixisada, iyadoo marar badan sheegtay inay ka go’an tahay in deegaannadeeda laga xoreeyo dhammaan cadowga nabadda iyo xasilloonida.