Golaha Warbaahinta Madaxabannaan ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga wariye Cali Aadan Muumin, kaasoo xalay lagu xiray magaalada Muqdisho. Golaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo, iyaga oo xusay in xarigga wariyaha uu ka hor imanayo xeerarka xuriyadda saxaafadda.
Hadalka Saxafiyiint Madaxbanaan ayaa yimid kadib, Booliska gobolka Banaadir ayaa xabsiga dhigay Cali Aadan Muumin, oo ka mid ah wariyeyaasha ka howl gala Muqdisho. War kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in wariyaha loo haysto “qalqal gelin amni iyo aflagaado madaxeed”.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga Xamar Weyne, ayaa soo xiray eedeysane Cali Aadan Muumin, oo lagu eedeeyay falal ay ka mid yihiin qalqal gelin amni iyo aflagaado madaxeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.
Booliska ayaa sidoo kale intaas ku daray in wariyaha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh si loo maro habraacyada sharciga ah.
Xariggan ayaa yimid xilli sii kordhayaan walaacyada la xiriira xuriyadda saxaafadda Soomaaliya, iyada oo hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo ururrada warbaahinta ay marar badan cambaareeyeen xarigga suxufiyiinta iyo cabburinta saxaafadda madaxa bannaan.
Waxaa weli laga sugayaa in hay’adaha garsoorku ay go’aan rasmi ah ka gaaraan kiiska wariye Cali Aadan Muumin, halka ururrada saxaafadda ay ku baaqayaan in xorriyaddiisa loo soo celiyo si uu shaqadiisa u sii wato.