Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ee Puntland ayaa xaqiijinaya in Ciidanka Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ay goor dhow gudaha u galeen deegaanka Dhashaan ee buuraleyda Cal-miskaad, oo ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee kooxda Daacish ay ku lahayd gobolka.
Qabashada deegaanka Dhashaan ayaa timid kaddib markii cutubyo ka tirsan Ciidanka Difaaca Puntland ay saaka aroortii hore dhaqaaqeen tuulada Dhaadaar, iyaga oo sahamin iyo miino-baaris kaddib si nabad ah ula wareegay deegaanka Dhashaan, oo hoos taga degmada Qandala.
Deegaanka Dhashaan ayaa ah goob istiraatiiji ah oo muhiim u ahayd kooxda Daacish, maadaama uu yahay halkii uu ku dhammaanayey Togga Jeceel, kaasoo marin muhiim u ah isu socodka dagaalyahannada kooxda. Sida ay sheegayaan wararka, qabashada deegaanka ayaa astaan u ah dhammaadka wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraleyda Cal-miskaad.
Ciidamada Puntland ayaa hadda ka wada deegaanka iyo hareerihiisa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, si loo baadi-goobo wixii saanad ciidan ah ee ay ka tageen dagaalyahannada Daacish.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka oo hadda ku sugan Dhashaan ayaa sheegay in aysan wax iska caabin ah kala kulmin dagaalamayaashii Daacish, kuwaasi oo saacado kahor isaga cararay deegaanka. Arrintan ayaa muujinaysa dib-u-dhac ku yimid awooddii kooxda Daacish ee gobolka, iyadoo ay ciidamadu horay ula wareegeen deegaano kale oo muhiim u ahaa kooxda.
Wararka kale ee naga soo gaaraya Dhashaan ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay wali wadaan baaritaano gudaha deegaanka, gaar ahaan saldhigyada ay ka carareen dagaalyahannada Daacish. Saraakiisha howlgalka ayaa sheegay in wixii xog iyo agab ah ee halkaasi laga helo ay si rasmi ah dib uga shaacin doonaan.
Puntland ayaa horey u iclaamisay dagaal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish, iyada oo hoggaaminaysa hawlgaladii ugu weynaa ee lagu beegsanayo xubnaha Daacish ee ku dhuumaalaysanaayey buuraleyda Cal-miskaad.
Howlgalka oo hadda galay marxaladdiisii labaad ayaa la filayaa inuu sii socdo inta laga xaqiijinayo in deegaanka laga saaray dhammaan kooxda Daacish.