Sheebaab, Calmiskaad – Taliska Ciidanka Difaaca Puntland ayaa shaaciyay inay duqeyn cirka ah ka fuliyeen deegaanka Sheebaab ee Buuraha Calmiskaad, taasoo lagu bartilmaameedsaday xarun muhiim ah oo ay kooxda Daacish ku lahayd halkaas.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland, duqeynta ayaa la fuliyay xalay, waxaana lagu burburiyay warshaddii qaraxyada iyo biraha gawaarida u sameyn jirtay kooxda Daacish.
“Duqeynta waxa ay ahayd mid qorshaysan oo lagu gubay warshadii qaraxyada, waxaana halkaasi lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Daacish,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay taliska.
Wararku waxay intaas ku darayaan in duqeynta lala eegtay xarun muhiim ah oo kooxda Daacish u ahayd goob ay ku farsameyso walxaha qarxa iyo agabka gaadiidka dagaalka. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo dhinaca amniga ah,
weerarkan ayaa ka mid ah duqeymihii ugu xooganaa ee Puntland ay la beegsato Daacish tan iyo markii ay billowday dagaalka ka dhanka ah kooxda.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlayay qaraxyo waaweyn iyo gubasho ka dhalatay duqeynta, taasoo muujinaysa in bartilmaameedku ahaa mid muhiim ah. Ilo madax-bannaan wali ma xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee kooxda soo gaaray, hase yeeshee taliska difaaca Puntland ayaa ku adkaystay in weerarku uu ahaa mid guul ah.
Saraakiisha Puntland ma shaacin cidda si rasmi ah u fulisay duqeyntan, hase yeeshee Puntland horey ayey u muujisay inay la shaqeynayso saaxiibada caalamiga ah si ay uga hortagto khataraha argagixisada.
Maamulka Puntland ayaa bilooyinkii u dambeeyay qaadayay dagaallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish, kuwaasoo ay ku beegsanayaan xarumaha iyo hogaanka sare ee kooxda.
Duqeyntan cusub ayaa imaneysa xilli maamulka Puntland uu ballanqaaday inuu sii wadayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish, si loo xasiliyo amniga gobolka, loona ciribtiro khatarta Daacish ee ka jirta buuraha Calmiskaad.