Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) oo kaashanaya kuwa Jubbaland ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Lafo-gari oo hoos yimaada degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Hawlgalkaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid bartilmaameed cad leh, laguna qaaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka, ciidamadu waxay si taxadar leh u qorsheeyeen weerarka, iyagoo helay xog sirdoon oo muujinaysay in xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugnaayeen deegaankaas.
Intii uu socday dagaalka, ciidamada huwanta ah ayaa si xooggan ula wareegay gacan ku haynta aagga, iyagoo jab xoogan gaarsiiyay kooxda AS.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlayay jug culus iyo rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen labada dhinac. Dagaalku waxa uu socday saacado badan, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan in ciidamadu ku guuleysteen inay dilaan afar dagaalame oo ka tirsan AS.
Sidoo kale, mid ka mid ah xubnihii la bartilmaameedsaday ayaa nolol lagu qabtay, kaasi oo lagu magacaabo Macallin Maxamed. Sida ay saraakiishu sheegeen, Macallin Maxamed wuxuu kooxda u qaabilsanaa maxkamadda deegaankaasi, taasoo ka dhigan inuu door muhiim ah ku lahaa maamulidda iyo xukunnada maxkamadeed ee ay kooxda ku fuliso dadka shacabka ah.
Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay in uu ahaa mid si guul ah ku dhammaaday, iyagoo xusay in uu qayb ka yahay howlgallada baaxadda leh ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka.
“Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland waxay go’aan ku gaareen inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah AS. Lafo-gari waxa uu ahaa goob istaraatiiji ah, waxaana guul weyn ah in laga saaray cadowga,” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan ciidanka oo la hadlay warbaahinta.
Inkasta oo saraakiishu aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka dhinaca ciidamada dowladda, haddana wararka laga helayo deegaanka waxay muujinayaan in hawlgalka uu ahaa mid culus, ayna jiri karaan khasaare labada dhinac ah.
Hawlgaladan ayaa qayb ka ah dagaalka ay dowladda Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, iyagoo doonaya in ay ka saaraan deegaanada ay wali kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha dalka.