Wasiirka Gashaandhiga Israa’iil ayaa Arbacadi wacad ku maray, in cadaab daran oodda laga qaadi doono, haddii Xamaas ay ku guul-darreysato sii deynta la heystayaasha dhammaadka todobaadkan.
Tani ayaa ah hanjabaadi u danbeysay ee ka dhan ah Xamaas oo kasoo baxda Isra’aail, xilli dhex-dhexaadiyaasha ay ku dadaalayaan sidi ay u badbaadin lahaayeen heshiiska 42-ka maalin ah ee ay kala dhex dhigeen Israa’iil iyo Xamaas.
Muranka cusub ee halista ku noqday heshiiska xabbad-joojinta labada dhinac ayaa soo shaac baxay, kaddib marki ay Xamaas ku eedeysay Isra’il in ay jebisay qaar ka mid ah ballan-qaadyadii ay sameysay, oo ay ku jiraan in teendhooyin la gaarsiiyo barakacayaasha Gaza, in gargaarka lasoo geliyo iyo arrimo kale.
Xamaas waxay sheegtay in ay dib u dhigeyso sii deynta la heystayaasha la filayay in Isra’il loo gacan geliyo Sabtida soo socota.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ka digay, in haddii aan la soo deynin la-haystayaasha Israa’iil ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas.