Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniinti shalay sheegay, in haddii aanan la soo deynin la heytaystayaasha Isra’il ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Isra’il iyo Xamaas.
Trump wuxuu sheegay in haddii ay taasi la yeeli waayo, ay dhici doonto cadaab daran, isaga oo intaasi raaciyay in go’aanka ugu danbeeya ay leedahay Isra’il.
“Haddii aysan halkaan joohin, dhammaan cadaabta ayaa la fasixi doonaa.” Mar la weydiiyay in in Mareykanka uu ka qeybgali doono si loogu jawaabo Xamaas, haddii aysan soo deyn la heystayaasha, ayuu Trump yiri “Xamaas way ogaan doontaa waxa aan ula jeedo.”