Libaax dhedig (Qalanjo) ah iyo dhasheeda ayaa shalay laga helay meel ku dhow Deegaanka Kibera, kuwaasi oo horey uga soo baxsatay Xero lagu xannaaeyo Duur-joogta oo ku taalla Nairobi.
Afhayeenka Hay’adda Duur-joogta, Paul Gatitu ayaa u sheegay Wargeyska The Star inay u mahadcelinayaa Dadweynaha oo gacan ka geysta arrintaasi oo uu sheegay inay walaac xooggan ku haysay.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Qalanjada Libaaxa la helay iyadoo raadsanayso meel ay ku dhasho, wuxuuna sheegay inay la baqatay in la waxyeeleeyo dhasheeda.
Waxa uu intaasi ku daray in Libaaxyadda ka duseen  Hul ay biyaha ka baxaan oo ku taalla Xeradda Ciiddanka ee Lang’ata oo ku dhegan Xeradda lagu hayo Duur-joogta.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay oodeen Hulka ay ka bixi jireen Libaaxyadda, kadib, markii lagu soo wargeliyey inay halkaasi ka baxaan Duur-joogta ku jirta Xarunta lagu hayo.
Ciiddanka waxay u adeegsadeen Helikoptaro iyo ciiddan hubeysan si loo baadi-goobo Libaaxyadda la sheegay inay baxsadeen.
Libaaxa Qalanjada iyo cunugeeda ayaa la sheegay inay iskooda Xeradda ugu laabtaan, kadib, markii ay socdaal ku soo mareen magaalladda Nairobi, iyadoo dadka horey looga digay Khatarta Libaaxyadda soo baxsaday.
Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka waxa uu sheegay in Libaax dhedig ah iyo ilmo ay dhashay dib loogu soo celiyey Xeradda, inkastoo ay Warar horey u soo baxay sheegeen inay 6 Libaax ka baxsadeen Xeradda Duur-joogta lagu hayo ee lagu magacaabo “Nairobi National Parkâ€.
©Radio Dalsan    Â