Howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab (AS) ayaa si rasmi ah uga billaabanaya Gobolka Hiiraan, iyadoo Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay gaareen deegaanka.
Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Colonel Cabdulaahi Cumar Maxamed, iyo Guudmiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Weheliye, ayaa maanta kulan muhiim ah ka qabtay magaalada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan.
Kulankan, oo ahaa mid looga hadlayay dar-dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socota deegaannada galbeedka Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kale ee bulshada deegaanka.
Waxaana masuuliyiintu isku raaceen muhiimadda xoojinta dagaalka iyo sidii loo taageeri lahaa ciidamada iyo dadka deegaanka ee ka qayb qaadanaya howlgalada.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ku adkeystay in loo baahanyahay in si wadajir ah loo garab istaago Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee ka hawlgala galbeedka Gobolka Hiiraan, si loo xoreeyo deegaanada ay ragaadiyeen kooxda Al-Shabaab.
Kulankan ayaa ka dhigan mid ka mid ah tillaabooyinka ugu waaweyn ee lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasiloonida gobolka, iyadoo qorshuhu yahay in la sii wado dagaalka si loo soo afjaro Al-Shabaab ee ka jirta deegaanka.