Ciidamada Booliska Soomaaliya ee ku sugan degmada Afgooye ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo raray waxyaabaha qarxa, kuwaas oo la rabay in lagu soo galo magaalada Muqdisho. Gaariga gacanta lagu dhigay ayaa ahaa nooca loo yaqaan Probox, waxaana lagu soo qariyay walxaha qarxa.
Qaraxyadaasi ayaa lagu soo astay sameecadaha cod baahiyaasha ah, waxaana qorshuhu ahaa in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha Booliska. “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho. Walxahan Qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska kasoo baxay.
Booliska ayaa sidoo kale ku daray in dagaalamayaasha Al-Shabaab (AS) ay ku talagaleen in si farsameysan ay ciidamada u dhaafiyaan, balse ay ka guuleysteen arrintaas, maadaama ciidamadu ay si fiican u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ee ay adeegsanayaan kooxda Al-Shabaab.
“Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah ayaa hadda ku guuleystay burburinta walxaha qarxa ee laga soo buuxiyay gaarigaa gacanta Boliiska kujira,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Booliska Soomaaliya.