Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa si cad u sheegay in gobolka Hiiraan aysan sii jiri karin isbaarooyinka dhibaateeya bulshada. Hadalkan ayuu yiri kadib kulan ballaaran oo uu la yeeshay qaybo ka mid ah bulshada gobolka, halkaas oo uu si adag uga hadlay dhibaatada ka dhalata jid-gooyooyinka sharci darrada ah.
Taliye Odowaa, oo ay weheliyeen Taliyaha Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo mas’uuliyiin kale, ayaa carabka ku adkeeyay in shacabka looga baahan yahay inay iska kaashadaan ciribtirka isbaarooyinka, maadaama ay yihiin halis toos ah oo saameyn ku leh dhaq-dhaqaaqa bulshada iyo ganacsiga.
“Wixii aan Al-Shabaab kula dagaalanay suurta gal maaha in aan dadkeenna ku sameyno. Gobolka Hiiraan waa in lagu waayaa isbaarooyin sharci-darro ah oo dadka dhibaateeya,” ayuu yiri Jeneraal Odowaa, isaga oo ballan qaaday in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug leh dhisidda isbaarooyinka.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in isbaarooyinka ay go’doomiyeen magaalada Baladweyne, iyagoo cunaqabateeyay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo nolosha caadiga ah ee bulshada. Waxa uu ku celceliyay in aysan jiri doonin wax marmarsiiyo ah oo lagu aqbali karo isbaarooyinka, isagoo amray in la dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah.
Dhanka kale, maamulka gobolka iyo ciidanka ammaanka ayaa durba bilaabay hawlgallo ballaaran oo lagu qaadayo isbaarooyinka. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka Hiiraan.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada, si loo xaqiijiyo xorriyadda gaadiidka iyo badbaadada bulshada. “Hiiraan waa gobolka shacabka Soomaaliyeed, looma dulqaadan karo in dadkeenna lagu dhibo jid-gooyooyin sharci-darro ah,” ayuu ku adkeeyay.