Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa goordhaw gacanta ku soo dhigay nin loo heysto inuu xalay dil u geystay L/Xidigle Xasan Quuri, oo ahaa sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya, qeybta Galmudug.
Dilkaasi ayaa dhacay xalay, iyadoo magaalada Dhuusamareeb uu ka dhacay falkaas argagaxa leh. Sida ay saraakiisha ciidanka ammaanka ee ka howlgala Galmudug u xaqiijiyeen warbaahinta, ciidamadu waxay sameeyeen howlgal ballaaran oo ay ku soo qabteen ninkaan lagu eedeeyay dilka.
Howlgalkaasi, oo ahaa mid aad u qorsheysan oo culus, ayaa socday muddo saacado ah, waxaana ciidamada ammaanka ay si xirfad leh u baadi goobayeen dhammaan goobaha uu ninkan la rumeysan yahay inuu ku dhuumanayay.
Xogta laga helay saraakiisha ayaa sheegaysa in baaritaanno xooggan iyo raadraacyo la xiriira falka dilka ay ka socdaan, waxaana hadda si dhab ah loo baarayaa sababaha ka dambeeyay dilka iyo xiriirka ninkan ee lala yeeshay L/Xidigle Xasan Quuri.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale sheeegay inay sii wadi doonaan howlgaladaasi, si loo xaqiijiyo inay gacanta ku soo dhigaan dhammaan kooxaha falalka amni-darrida sameeya, isla markaana loo xoojiyo ammaanka guud ee magaalada Dhuusamareeb iyo guud ahaan gobolka Galmudug.