Gen Igor Kirillov, oo ah sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Ruushka, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda waddanka Ruushka.
Igor waxaa uu ahaa hogaamiyaha ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ee Ruushka ee loo soo gaabiyo NBC.
Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in qaraxaas lagu dilay ku xiigeenkiisa.
Igor Kirillow ayaa dhintay kadib markii uu qarxay bam lagu soo xiray mooto xili uu Talaadadii manta uu ka baxayay gurigiisa.
Isniintii, Ukraine ayaa Kirillov ku soo oogtay dacwad ka dhan ah isticmaalka hubka kiimikada ah ee hore looga mamnuucay Ukraine. Waxay ku eedeysay inuu geystay dembi dagaal.
Ingiriiska iyo waddamo kale ayaa ayaa hore Kirrilov ugu soo rogay cunaqabateynsababo la xiriira doorkii uu ku lahaa adeegsiga hubka kiimikada ee Ruushka.
Waxaa xilka loo magacaabay bishii April ee sanadkii 2017-kii.