Mudane, Maxamed Axmed Amiir, Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, wuxuu ku dhashay caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, oo uu ku dhammaystay waxbarashadiisa ilaa heer jaamacadeed.
Mudane Amiir wuxuu leeyahay khibrad shaqo oo ballaaran, gaar ahaan dhinacyada maamulka, maareynta, amniga, iyo siyaasadda. Wuxuu horey uga soo shaqeeyey Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya laba jeer: markii ugu horreysay intii u dhaxaysay 1986–1990, iyo markii labaad intii u dhaxaysay 2010–2012 isagoo ahaa khabiir la-taliye sare oo ku takhasusay hagaajinta maamulka maaliyadda iyo dhisidda nidaamka dowlad-wanaagga.
Sidoo kale, Maxamed Amiir wuxuu ka soo shaqeeyay Barnaamiiyadii MIDA/TIS ee ay maalgelineysay hay’adda USAID, kaas oo lagu taageerayey dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya. Intaas kaddib, wuxuu muddo ku noolaa dalka Ingiriiska halkaas oo uu ka furay xafiisyo la-talin siiya hay’ado gaar loo leeyahay, isaga oo ku takhasusay kordhinta dakhliga iyo hagaajinta maamulka iyo maareynta.
Khibrad ahaan, Mudane Amiir wuxuu la-taliye u soo noqday dhowr hay’adood iyo masuuliyiin sare. Wuxuu la taliye u ahaa hay’adda USAID.
Maxamed Amiir wuxuu sidoo kale aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay tignoolojiyadda casriga ah, sharciga, warbaahinta, iyo amniga, isagoo darsid dheeraad ah ka sameeyey Universiteit Leiden ee dalka Holland.
Mudane Amiir wuxuu shahaadooyin ka qaatay mac-hadyo iyo jaamacado caan ah oo caalami ah, oo ay ka mid yihiin:
* Mac-hadka Maareynta iyo Maamulka ee SIDAM (1988)
* Jaamacadda SOAS ee University of London
* Dugsiga Sare ee Dhaqaalaha ee Jaamacadda Moscow
* Jaamacadda Yale
Barnaamijyada Cilmiga Islaamka, Diblomaasiyadda, Siyaasadda, iyo Maamulka oo uu ku dhammaystay heerar kala duwan.
Gunaanad
Taariikh nololeedka Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa muujinaya waayo-aragnimo dhinacyo badan ah, isaga oo ku takhasusay maamulka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowliga kala duwan, taas oo ka dhigaysa inuu yahay hoggaamiye u diyaarsan inuu hogaamiyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, wakhti xasaasi ah oo u baahan hufnaan iyo ku hagidda horumar waara, maadaama ay isu diyaarinayo in ay martigeliso doorasho dadweyne – (Qof iyo Cod).
Hal-ku-dhegga Duqa Muqdisho:
Hadaf iyo Horumar loo dhan yahay!