Muddo ku dhow toban sano ayuu Ruushku ahaa awoodda ku haysay Bashaar al-Assad dalkiisa.Ilaa dhacdooyin yaab leh ay 24-kii saac ee la soo dhaafay ka soo ifbaxeen Suuriya.
Dimishiq waa waa lala wareegay, madaxweynihii Suuriya waa la riday, waxaana la sheegay inuu u duulay Moscow.
Warar laga soo xigtay Aqalka Kremlin-ka, wakaaladaha wararka ee Ruushka iyo Telefishinka qaranka ayaa sheegay in Ruushku uu Assad iyo qoyskiisaba magangelyo siiyay “sababo bani’aadanimo”.
Maalmo gudahood, mashruuca Kremlin-ka ee Suuriya waxa uu daaha ka rogayay duruufihii ugu darnaa, iyada oo Moscow aanay awood u lahayn inay ka hortagto wixi dhacayay.
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa lagu sheegay in Moscow ay “la socotoy dhacdooyinka layaabka lahaa ee Suuriya iyada oo walaac aad u weyn ka muujisay arrintaas.P