Hoggaamiyaha Mucaaridka Suuriya, Axmed Xuseen Al-Sharaa (Golani), ayaa khudbad taariikhi ah u jeediyay shacabka magaalada Dimishiq, isaga oo ku dhawaaqay bilowga Suuriya cusub oo ku dhisan caddaalad, xorriyad, iyo rabitaanka shacabka.
Hoggaamiyaha ayaa hadalkiisa ku billaabay mahadnaq Alle, isaga oo sheegay in dalka Suuriya uu yahay mid ka dhexeeya dhammaan muwaadiniinta, lagana shaqeynayo sidii wax walba loogu celin lahaa xaaladdooda caadiga ah. Waxa uu ku boorriyay shacabka inay u diyaar garoobaan nidaam cusub oo ku saleysan sharciga iyo dimoqraadiyadda.
“Booliiska ayaa hadda masuul ka ah sugidda ammaanka guud, halka amarka guud ee dalka uu leeyahay Ra’iisul Wasaaraha Suuriya, Maxamed Al-Jalali,” ayuu yiri Axmed Al-Sharaa.
Intii uu khudbadda jeedinayay, Hoggaamiyaha ayaa ku dhawaaqay siddeed qodob oo muhiim ah kuwaas oo hage u noqon doona mustaqbalka cusub ee Suuriya:
1- Burburinta Xukunkii Bacthiga Dad-qalka ahaa: Nidaamkii hore ee Suuriya ayaa si rasmi ah loo burburiyay.
2- Xorriyad Buuxda oo Dadka Suuriya ah: Muwaadiniinta Suuriya waa xor, waana loo dammaanad qaaday aragtidooda iyo xorriyadooda shakhsi.
3- Dadka oo ku Noqonaya Deegaankoodii: Qof kasta oo Suuriya ah waxa uu xor u yahay inuu ku laabto deegaanka uu ka soo jeedo, iyada oo aan cidna waxba loogu raacaneyn.
4- Xarumaha Dawladda oo Lama Taabtaan ah: Adeegyadii bulshada ee dowladda ayaa si caadi ah u sii socon doona, iyada oo aan la carqaladeyn shaqooyinkooda.
5- Sugidda Ammaanka Xarumaha Dawladda: Booliiska ayaa si buuxda u ilaalinaya ammaanka goobaha dowliga ah, halka cid kasta oo u dagaallameysay nidaamkii hore loo ballan qaaday nabad.
6- Dambi La’aan Guud: Qof kasta oo horey ugu lug lahaa nidaamkii Asad, oo ay ku jiraan kuwii dad gumaadayay, maanta wax dambi ah looma haysto.
7- Ra’iisul Wasaaraha oo Leh Awoodda Guud: Maxamed Al-Jalali, Ra’iisul Wasaaraha Suuriya, ayaa ah mas’uulka ugu sarreeya ee maamula arrimaha dalka.
8- Dowlad Dimuqraadi ah oo Dammaanad Qaadda Xuquuqda Shacabka: Dowlad cusub oo madax-bannaan ayaa lagu wadaa inay dhalato, taas oo dammaanad qaadaysa sharafta iyo xuquuqda muwaadiniinta Suuriya.
Dimuqraadiyad iyo Mustaqbal Cusub
Hoggaamiyaha Axmed Al-Sharaa ayaa ballan qaaday inay socon doonaan dadaallada lagu hubinayo in Suuriya ay noqoto dal ka xor ah cabburin, kuna dhisan rabitaanka shacabka. Waxa uu ku boorriyay shacabka Suuriya inay ka shaqeeyaan nabadda iyo midnimada, si loo dhiso mustaqbal ifaya.