Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si kulul uga hadlay xaaladda doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Kismaayo oo uu ku tilmaamay sharci darro iyo mid aan la aqbali karin.
RW Xamse ayaa si cad u sheegay in doorashada uu qabanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay tahay mid aan waafaqsaneyn shuruucda dalka, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in wixii kasoo baxa aan loo aqoonsan doonin natiijo sax ah.
“Shacabka ha loo Raadsado Codkooda”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in Soomaaliya ay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah oo dadka ay si toos ah u coddeeyaan, isagoo siyaasiyiinta ku dhiirrigeliyay inay shacabka codka ka raadsadaan.
“Madaxdii dalka soo hoggaamisay iyo kuwa hadafka leh ee doonaya inay dalka maamulaan waxaan leeyahay, yaan laga cabsan in shacabka loo tago. Waa muhiim in dadka Soomaaliyeed ay codkooda ku doortaan hoggaanka ay rabaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
“Axmed Madoobe iyo Doorashada Kismaayo”
RW Xamse ayaa doorashada uu Axmed Madoobe ku wado Jubbaland ku tilmaamay sharci darro iyo mid aan loo dulqaadan karin. Wuxuu si cad u sheegay in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad ama waajibaad (mandate) uu ku maamulo doorasho.
“Axmed Madoobe ma haysto wax sharciyad ah oo uu ku qabto doorasho, wixii ka dhashana waa sharci darro. Hal xaaraan ah ma dhasho nirig xalaal ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu isagoo hadalkiisa sii xoojinaya.
Digniin ku Socota Ciidamada Jubbaland
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamada Jubbaland ugu baaqay inay ka fogaadaan ka qeybgalka arrimaha siyaasadda. Wuxuu uga digay Madaxweynaha Jubbaland in ciidamada loo adeegsado khilaafaadka siyaasadeed, taasoo uu ku tilmaamay dambi culus oo keeni kara burburka hay’adaha amniga ee Jubbaland.
“Haddii Axmed Madoobe uu ciidamada u adeegsado arrimaha siyaasadda, waa dambi aan lays kaga hari doonin, waxayna arrintaasi horseedi doontaa in ciidanka Jubbaland burburaan,†ayuu RW Xamse ku adkeeyay.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si cad ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay xoojiyaan midnimada dalka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta khilaaf iyo kala qaybsanaan siyaasadeed.