Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa cambaareysay qariiradii ama Map-k-ii 25-Oktoobar-2024, lagu soo bandhiggay munaasabadda lagu soo dhaweynaayey Markabkii sahmin lahaa shidaalka Badda Soomaaliya oo ay kasoo shaqeysay Wasaarrada Batroolka iyo Macdanta XJFS.
Qoraak kasoo Baxay Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Wasiirka Batroolka uu horay u abaabulay kulamo iyo shirar lagu kala geynayo dadka wada degan deegaanada Hirshabeelle shirarkaasi oo sababay qal-qal amni iyadoo dhibaato ay kasoo gaartay shacabka maamulka Hirshabeelle.
“ma ahan wax loo dulqaadan karo inuu masuul ka tirsan Xukuumadda Federal-ka Soomaaliya ee loogu talogalay inuu ugu adeego danaha Qaranka uu taas baddelkeedanna ka shaqeeyo kala qeybinta bulshada iyo abuurida xasilooni daro si uu u gaaro danahiisa gaarka ah†ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo Baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.
Nasiibdarro weyn ayu uku tilmaamay Maamulku in  iyadoo laga hadlaayo qeybsiga kheeyraadka iyo horumarka dalka in Wasiirka uu ka shaqeeyay kala qaaybin bulsho taas oo wiiqeeysa wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Qoraalka ayaa lagu yiri “Hirshabeelle ma aqbaleeyso kala qeybinta dadka iyo deeganada Hirshabelle sida uu qabo dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle qoddobka 2-aad farqada 1-aad iyo qodobka 51-aad farqada 2-aad ee Dastuurka Hirshabeelleâ€