Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, William Ruto oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo muhiim u ah xiriirka labada dal.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay socdaal ku tagay kenya, waxaaana horay uu socdaallo ugu bixiyay wadamada Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha dalka Kenya ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.