Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray dalka Kenya.
Waxaana la qorsheynayaa in uu wadahadallo la yeesho dhiggiisa dalka kenya William Ruto.
Wadahadalladani waxay diiradda saari doonaan iskaashiga labada dal, arrimaha amniga, iyo horumarinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Safarkaan shaqo ee madaxweynuhu ku marayo dalalka gobolka ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya ayaa qayb ka noqonaya Safaro dhawaanahaan uu Madaxweynen Xasan Sheekh ku maray dalalka Eritrea, Jabuuti iyo Burundi.
Safarkan uu hadda kunjoogo Kenya ayaa ah fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada waddan iyo sidii loo taageeri lahaa nabadda iyo degganaanshaha gobolka.