Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro Xerada Ciidanka Cirka ee Ballidoogle, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.
Safarka madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaalka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ku bixinayso xoojinta iyo dhiirrigelinta ciidanka qaranka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.
Xerada Ballidoogle waxaa ku sugan ciidamo cusub oo ka tirsan Danab, kuwaas oo tababar heer sare ah soo dhammaystay, waxaana madaxweynaha lagu waddaa inuu si rasmi ah u soo xiro dufcaddan cusub. Ciidankan ayaa ka qeyb qaadan doona howlgalada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo qayb ka noqon doona qorshaha qaran ee dib u xoreynta dalka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in saraakiil sare oo ka tirsan Danab ay horay u gaareen xerada si ay u diyaariyaan soo dhoweynta iyo ammaanka madaxweynaha. Ammaanka xerada iyo hareeraheeda ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay halkaasi si loo hubiyo in safarka uu ku dhaco si nabad ah.