Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay nabadda, is-dhexgalka bulshooyinka, iyo horumar waara, iyadoo laga jawaabayo caqabadaha sii kordhaya ee caalamka. Halkan waxaa ku xusan qodobadii ugu muhiimsanaa ee khudbaddiisa.
1-Midnimo caalami ah oo ka dhan ah khilaafaadka bani’aadannimo iyo musiibooyinka:
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn u adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo midnimo caalami ah si wax looga qabto khilaafaadka iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee sii kordhaya, gaar ahaan meelo ay kamid yihiin Suudaan, Gaza, iyo Ukraine. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo falalka colaadeed ee ka jira gobolladan, isagoo adkeeyay muhiimadda sharciyada caalamiga ah iyo kaalmooyinka bani’aadannimo.
“Waxaan si adag u taageersanahay ilaalinta nolosha dadka rayidka ah iyo soo celinta nabadda iyada oo loo marayo wada shaqeyn wadajir ah,†ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
2-Difaaca madaxbannaanida Soomaaliya:
Fariin adag oo uu u diray beesha caalamka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku adkeeyay xuquuqda Soomaaliya ee madaxbannaanida, gaar ahaan inay iska difaacdo weerarada ka imaanaya Itoobiya. Wuxuu si cad u cambaareeyay isku dayada sharci-darrada ah ee Itoobiya ay ku dooneyso inay ku wiiqdo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo ugu baaqay dhammaan dalalka inay u hoggaansamaan mabaadi’da midnimada qaranka iyo sugidda xuduudaha, kuwaasoo muhiim u ah xasilloonida gobolka.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa khudbaddiisa ku eedeeyay Itoobiya inay ku kacday falal si cad u xadgudbaya madax bannaanida dalka, kaddib markii Addis Ababa ay ku dhawaaqday heshiis sharci-darro ah oo lala galay dhulka Soomaaliyeed.
“Soomaaliya waxay hadda wajahaysaa khatar weyn oo ka dhalatay tallaabooyinka dhawaan ka yimid Itoobiya oo si cad u xadgudbay amniga dhulkeenna,†ayuu yiri Xamza Cabdi Barre isagoo ka hadlayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Wuxuu intaas ku daray: “Isku dayga Itoobiya ee ah inay isku dartaan qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya iyagoo marmarsiiyo ka dhigaya deked badeed ayaa ah mid sharci-darro ah oo aan loo baahnayn.”
- Kordhinta dadaallada nabadda iyo amniga:
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay horumarka weyn ee Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada, gaar ahaan soo celinta in ka badan labo-meelood oo meel dhulkii ay horay gacanta ugu hayeen AS. Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in la helo maalgelin joogto ah si loo hubiyo in hawlgalada nabad-ilaalinta ay si hufan uga jawaabaan khataraha islamarkaana ay taageeraan dadaallada dhismaha qaranka.
4-Tallaabo degdeg ah oo lagaga hortagayo isbedelka cimilada:
Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dhibaatooyinka isbedelka cimilada, halkaas oo dhacdooyinka cimilada xad-dhaafka ah ay burbur baaxad leh ku hayaan dadkeeda iyo kheyraadkeeda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyay baahida loo qabo fududeynta helitaanka maalgelinta caalamiga ah ee isbedelka cimilada si dalalka sida Soomaaliya oo kale ah ay u dhisaan adkeysiga islamarkaana ay u ilaaliyaan bulshadooda.
Sanadkii hore, Soomaaliya waxay la kulantay fatahaado ka dhashay roobab xooggan oo sababay dhimashada in ka badan 100 qof, iyadoo sidoo kale ay kamid tahay dalalka sida aadka ah ugu nugul isbedelka cimilada.
5-Baaq ku saabsan dib-u-habaynta hay’adaha caalamiga ah:
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay dib-u-habayn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, si ay uga tarjumaan xaqiiqooyinka cusub ee juqraafiyeedka caalamiga ah. Wuxuu ku celiyay in dib-u-habayntani ay lagama maarmaan u tahay in codadka Afrika iyo gobollada kale ee soo koraya si ku filan loogu matalo hanaanka go’aan qaadashada caalamiga ah.
Bishii Juun ee sanadkan, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa doortay shan xubnood oo cusub si ay uga mid noqdaan kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, kuwaasoo ay ku jiraan Soomaaliya, Denmark, Giriiga, Pakistan iyo Panama, muddo laga bilaabayo Janaayo 1, 2025 ilaa Diseembar 31, 2026.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu ka kooban yahay 15 xubnood, toban xubnood oo aan joogto ahayn waxaa doorta Golaha Guud ee matalaya dhammaan 193 xubnood ee Qaramada Midoobay, halka shanta xubnood ee joogtada ah ay yihiin Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Mareykanka, Faransiiska iyo Ruushka.
6- Waddada Soomaaliya ee barwaaqada:
Soomaaliya waxay ku dhowdahay inay gaarto koboc dhaqaale, iyadoo ay jiraan kheyraadka aan wali laga faa’iidaysan ee beeraha, xoolaha, tamarta dib loo cusboonaysiin karo, iyo dhaqaalaha badweynta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaranka si loo adeegsado kheyraadkaas loona gaaro xasilloonida iyo barwaaqada qaranka.
Wuxuu yiri: “Waxaan soo dhaweyneynaa maal-gashiga iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya ay u muuqato inay door muhiim ah ka qaadato ganacsiga iyo horumarka gobolka.â€
Soomaaliya iyadoo isu diyaarineysa inay kuraas ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu mar kale xaqiijiyay in dalka uu ka go’an yahay dhiirrigelinta nabadda, is-dhexgalka bulshooyinka, iyo sharciyada caalamiga ah, isagoo carabka ku adkeeyay in “Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dhismaha nidaam caalami ah oo caddaalad leh oo nabadeed, islamarkaana ay wada shaqeyn la yeelato bulshada caalamka.â€
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku baaqay ruux is-kaashiga dib loo cusboonaysiiyay, isagoo xasuusiyay in caqabadaha ugu degdegga badan ee caalamka ay lagu xallin karo oo kaliya midnimo, mas’uuliyad la wadaago, iyo go’aan wadajir ah, isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin ka qeybgalka howlgalkaas caalamiga ah.