Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay saacadahii lasoo dhaafay Al-Shabaab kala wareegeen lix deegaan oo hoos taga degmada Halgan. Deegaanadan oo ku yaalla jiinka wabiga Shabeelle ayaa markii hore ahayd meel ay Al-Shabaab fariisimo ka sameysteen, si ay ugu dhuumaaleysadaan.
Ciidamada Macawiisleeyda ayaa burburiyay fariisimadaas, iyagoo ka warhelay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay isku aruursanayeen deegaanadaas. Sarkaal ka tirsan ciidanka deegaanka ayaa sheegay in markii Al-Shabaab ay maqleen in ciidamada Macawiisleeyda dhinacooda soo aadayaan, ay si degdeg ah uga carareen goobahaas, iyagoo u gudbay wabiga Shabeelle. Sarkaalka ayaa intaa ku daray in difaacyadii Al-Shabaab ay haatan ku jiraan ciidamada deegaanka.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgallada noocaan oo kale ah ay sii wadi doonaan ilaa ay ka ciribtiraan Al-Shabaab meelaha ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan, gaar ahaan Galbeedka gobolkaas oo wali Al-Shabaab ay ku xoogan tahay.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab looga xoreynayo Galbeedka gobolka Hiiraan. Tani waxay muujineysaa in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu sii xoogeysanayo, iyadoo la isku dayayo in si buuxda looga saaro deegaanada ay wali ku sugan yihiin.