Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo saartay xukunno kala duwan oo la xiriira kiiska Daadir Cali Cusmaan iyo Cabdullaahi Cali Cusmaan, oo loo haysto dilkii Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeellada Dhexe. Falkan ayaa dhacay 30-kii Maarso ee sanadkan.
Kiiskan oo muddo dheer soo jiitamayey ayaa waxaa baaris dheer kadib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida codsaday in la qaado. Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa 30-kii Juun xukuno ku riday eedeysanayaasha, hase yeeshee xukunsanayaasha ayaa racfaan ka qaatay go’aankaas.
9-kii bishaan ayaa Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida aqbashay racfaanka, iyadoo fursad dheeri ah siisay dhinacyada dacwadda si ay soo bandhigaan doodahooda. Maanta, Maxkamadda Sare ayaa ugu dambeyn soo saartay go’aanka kama dambaysta ah ee kiiskan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow, ayaa sheegay in Daadir Cali Cusmaan lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka Cabdullaahi Cali Cusmaan xorriyaddiisa dib loogu soo celiyey, kadib markii lagu waayey dambiga.
Go’aankan ayaa la filayaa inuu soo afjaro dacwadda muddada dheer socotay, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay si dhow ula socotay kiiskan.