Khilaafka xooggan ee u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Wasiirka Qorshaynta Puntland, Daa’uud Bisinle, ayaa sare u kacay kadib markii uu madaxweynuhu u magacaabay Maxamed Dhabancad inuu qabto qaar kamid ah shaqooyinka muhiimka ah ee Wasaaradda Qorshaynta. Dhabancad, oo ah wakiilka arrimaha xiriirka caalamiga ah, ayaa la wareegay mas’uuliyadda la macaamilka hay’adaha iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, taas oo ahayd shaqo muhiim ah oo ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta.
Fara-gelintan ayaa sababtay in Wasiir Bisinle uu aad uga caroodo, isagoo u arkay tallaabadan mid ku tumanaysa awooddiisa iyo mas’uuliyaddiisa wasaaradda. Khilaafkan ayaa sii xoogaystay, wararka qaarna waxay sheegayaan in Wasiir Bisinle uu haatan ka fiirsanayo inuu iska casilo xilka Wasaaradda Qorshaynta Puntland.
Waxaa la rumeysan yahay in arrintan ay khatar ku tahay xasiloonida siyaasadeed ee maamulka Puntland, iyadoo sidoo kalena ay keeni karto isbeddelo waaweyn oo lagu sameeyo golaha wasiirrada, haddii khilaafkan aan xal loo helin. Weli lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doono, balse arrintan waxay noqotay mid si weyn looga hadal hayo gudaha Puntland.