Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax dhigay xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameyn doono.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka uu ka go’an yahay horumarinta xarumaha loogu adeego bulshada, isaga oo xusay in casriyeynta lagu sameynayo dhismaha xarunta Degmada Xamarweyne ay qeyb ka tahay ka dhabeynta Qorshaha Degmo Tusaale ah, maadaama degmada ay tahay mid fac weyn oo qadiimi ah.
Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maamulka Degmada Xamarweyne, Agaasimeyaal, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Xamarweyne.
Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale tilmaamay in mashruuca casriyeynta uu yahay mid ballaaran oo lagu dayactirayo oo lagu hagaajinayo xarunta, si loogu fududeeyo adeegyada bulshada iyo in ay u noqoto tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dadaalaya in uu hirgeliyo qorshayaal waxtar u leh bulshada, iyada oo la tixgelinayo baahiyaha kala duwan ee ay qabaan.
Dhagax dhiga xarunta cusub ee degmada Xamarweyne ayaa la filayaa in ay sare u qaaddo tayada adeegyada bulshada, isla markaana ay gacan ka geysan doonto kor u qaadidda bilicda iyo muuqaalka magaalada Muqdisho. Maamulka degmada iyo gobolka ayaa ku howlan sidii ay u hirgelin lahaayeen mashaariic horumarineed oo badan oo la xiriira adeegyada bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
Hoos Ka Fiiri Sawirada Dhagax Dhiga
d