Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah loogu doortey xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah.
Madaxda Soomaaliya loolan dheer ayey usoo mareen sidii ay xubin uga noqon lahayeeen Qaramadda midoobey,waana taariiikh wayn oo dalka usoo hoyatey 52 sano kadib ayayna Soomaaliya xubintan muhiimka ah heshey.
Madaxweynaha Soomaaliya muddane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wayn usoo dhaweeyey war-qoraala oo Villa Soomaaliya lagu baahiyey ayaa lagu yidhi.
“Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysa sida caalamka uga markhaanti ka-cayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo ammaanka caalamkaâ€.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya, isaga oo xusay in tan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in dalkeennu uu kaalin muuqata ka qaato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.
Geesta kale Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi,ayaa si diiran uga Hadley guusha dalka iyo shacbiga soomaaliyeed usoo hoyatey
Soomaaliya waxaa loo doortay xubin ka tirsan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo xileedka 2025-2026.
Guushani muhiimka ah waxa ay tilmaan u tahay dadaallada diblomaasiyadeed ee muuqda ee dalku ku dhaqaaqay iyo sida ay uga go’antahay nabadda caalamiga.