Maxkamadda Rafcaanka ee G/Banaadir ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaareysa kiiska eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu xaaskiisa Muqdisho ku gubay.
Maxkmadda ayaa waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista kiiska Eedaysanaha, waxaana la filayaa in si too as Maxkamaddu u go’aamiso xukunka Sayid Cali.
Horay Maxkamadda ayaa 3 fadhi oo hore la horkeenay eedeysanaha, waxaana fadhiyadaas lagu dhageysatay kiiska eedeysanaha, waxaana aksoo muuqday marqaatiyaal iyo shaqsiyaad ka maragkacay wixii ay arkeen.
Sayid-Cali ayaa rafcaan kasoo qaatay xukun dil toogasho ah oo ay ku ridday maxkamadda G/Banaadir, waxaana dhawaanahaan Maxkamadda Racfaanka ay wadday dhageysiga kiiska Eedaysanaha.
Maanta ayaa si gaar ah waxaa loo sugayaa nooca xukun ee maxkamadda Rafcaanku ay maanta ku ridi doonto Sayid Cali Macalin Daa’uud.