Ugu yaraan saddex qof ayaa geeriyooday, halka 4 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Shil gaari saaka oo sabti ah uu ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in shilka uu si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Aw-barkhadle oo duleedka dhanka bari uga toosan Hargeysa, dadka dhaawacmay ayaa waxaa durbadii loola soo cararay isbitaal ku yaalla Hargeysa.
Shilkaan saaka dhacay Aw-barkhadle ayaa waxaa uu yimid, ka gadaal markii ay isku dhaceen laba gaari oo iskaga horyimid deegaankaas, waxaana gaadiidkaasi saarnaa dad shacab oo rakaab ahaa, kuwaasi oo ka baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Si kastaba, marar badan ayey sidaan oo kale duleedka Hargeysa iyo deegaano kale oo kamid ah Maamulka Somaliland uga dhacay shilal khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh geystay, inta badan shilalka ayaa ku yimaada gaadiidka oo xawaare sare loo wado.