Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Fadhiga Maanta ee Baarlamaanka ayaa waxaa xaadir ahaa oo joogay Illaa 212 Xildhibaan oo Golaha Shacabka kamid ah iyo 42 oo Aqalka Sare, iyagoona cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wax-ka-beddel lagu sameeyey qaar kamid ah cutubyada Dastuurka dalka.
Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulanka shir guddoominaya, wuxuuna ku dhawaaqay in la ansixiyey dastuurka.
Wax ka bedelka dastuurka KMG cutubyo kamid ah ee goordhaw ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeday siyaasiyiinta mucaaradka ay ugu horreeyaan madaxda dalka ugu sarreysa.